Gabay God Madow [Maqal & Qoraal ]

Gabay God Madow
Curiye Idiris Makiinad

god1

Muslim iyo qof kii aan ahayn muumin hadal gaban.
Munaafaqadda ruuxii yaqaan ama masiix sheegta .
Ama yiri mulkiiluhu ma jiro maamulaha uunka .
Ee Muxamed diintuu la yimi moogtan ula taagan
Shaydaan maciisiyo intii neceb masaajiida..
Mowlaha ninkii caasiyee , diida marinkiisa.
Miisaan kastuu leeyihiyo eray macaankiisa .
Maskax maal kastoo lagu dhihiyo maansayahan doora .
Muunsood qurxoon iyo wuxuu weedho malabeeyo .
Masraxyada wuxuu muusig iyo heeso uga miiso
Oo ay malaayiin dad ihi muhashadiis qaado
Oy wada majeertaan khalqiga mooge idilkiisu .
Si kastuu u maal badan yahoo galaba meel jooga .
Murwo qurux san maas iyo wuxuu muunad wada haysto
Si kastuu mariikh ugu kacoo miigaga u raaco
Maqaaliyo haddii uu ka tagay buugag lagu maago.
Ama uu masuul sare ahaa madax maraykaana .
Oo maagitaankiyo yaqaan , muqunin loo meero .
Si kastuu u maan furan yuhuu muhin disood reebo .
Mugwaynaan kastoo loo hayiyo ,macalimayntiisa
Si kastuu u magac dheer yahoo, dunidu maamuusto.
Si kastuu Mandeeliyo u yahay Gaandi iyo Maarko .
Mar haddaanu maarayn karayn malaga soo aaday .
Oo uu macbuud kii lahaa qariyey muuqiisa .
Halkaan laga maqnaanayn hadduu maanta jiro miigal .
God madoow hadduu kaga dhacoo mabacdu leefayso .
Mar hadduu cadaab mudanayoo maartu dubanayso .
Dhex maquurka mool naara iyo mur iyo deebaaqda .
Masas iyo hadday cunahayaan ,mici abaaseedku .
Mudacyiyo haddii lagu mudmudo iyo mildiin dhuuban
Maxdin iyo haddii lagu masaxo ,dhaxagyo miiqmiiqan
Jirkiisii hadduu mooqal moo ,midabki doorsoomay .
Muruuryood haddii uu mutoo ,malaxdu dhiiqayso.
Miciin iyo haddii aannu jirin maare iyo moose .
Malihiisi beenaad hadduu maar u qaban waayey .
Majaraha ibliiski u hayana , uu ku riday meeshan .
Maqaam kiisa meel lagu xusiyo madal ka sheegnaanta.
Madxafyadu maxay tarahayaan iyo makaatiibtu

Idiris Makiinad

Dooxajog5@hotmail.com

FB: Idiris Makiinad

idi3

 

This entry was posted in Ardaa, Home, Maanso, Maqal. Bookmark the permalink.

Leave a comment